Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Jomo Kenyatta ayaa hadalkaasi maanta ka sheegay mar ay isaga iyo Xoghayaha Guud ee QM. Antonio Guterres maanta si wadajir ah Shir Jaraa’id ugu qabteen magaalladda Nairobi.
Waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in la xiro Xerada Dhadhaab oo uu xusay inaysan xilligan qabanin Adeegyaddii asalka ee Badbaadada KMG.
Madaxweynaha waxa uu sheegay in Siyaasadda Dowladiisa tahay mid iska cad, inkastoo dhacdooyinkii loo asaasay Xeradda ahayd mid aad u dhib badnayd.
Waxa uu intaasi ku daray in Habka ugu wanaagsan ee Jawaab-celinta inay tahay sidii Qaxootiga looga taageeri lahaa inay laabtaan iyo inay dib-u-dhistaan dalkooda hooyo, waa sida uu hadalka u yiri.
“Waa taasi Siyaasadda Kenya iyo Dadaalkeenna si loo dedejiyo Dib-u-celintooda iyo Dib-u-dejinta Qaxootiga” ayuu yiri Uhuru Kenyatta oo ka hadlay Shirka Jaraa’id ee lagu qabtay Aqalka Dowladda ee Nairobi.
Waxa uu intaasi ku daray inay dowladiisa iyo Madaxda 8-da Waddan ee xubnaha ka ah IGAD bishan 25-da ka wada xaajoon doonaan xalka ugu macquulsan ee wax looga qaban karo xaalladda Qaxootiga Soomaalida ku sugan Xeradda Dhadhaab.
Dhinaca kale, Xoghayaha Guud ee QM. Antonio Guterres oo haatan markii ugu horreysay socdaal ku maraya Gobalka isagoo haya Xilkaasi ayaa sheegay in Wada-xaajoodyo fiican la yeesheen Madaxweynaha Kenya, kana wada hadleen arrimo badan oo khuseeya Geeska Afrika.
Waxa uu dalbaday lacag dhan 4 Billion oo Dollars oo wax looga qabto dhibataooyinka ka taagan dalalka Somalia, Kenya, South Sudan iyo qeybo ka mid ah Ethiopia.
Xoghayaha Guud ee QM. Antonio Guterres oo shalay booqasho kooban ku yimid Muqdisho waxa uu qeylo-dhaan ka muujiyey suurto-galnimadda Macluul ka dillaacda Somalia, haddii aan maalgelin cusub la helin.
Booqashadiisa ayaa ah tii 3-aad ee Mas’uul haya Xilka Xoghayaha Guud ee QM oo booqasho ku yimaada Somalia tan iyo burburkii Dowladnimo ee Somalia.
Horey Ban Ki-moon iyo Butrus Butrus Qaali ayaa u yimid Somalia, iyagoo Magaalladda Muqdisho kula kulmay Madaxdii xilligaasi.
©Radio Dalsan