Wasiirka Difaaca ee dalkasi, Siraaj Fegesa ayaa ku dhawaaqay inay Diplomaasiyiinta shisheeyaha loo fasaxay Dhaqdhaqaaqooda, isla markaana ay tegi karaan meel kasta oo ka mid ah dalkaasi.
Hadalkiisa ayaa soo baxay, kadib, markii ay Dowladda Ethiopia bishii hore Xukun Degdeg ku soo rogtay dalkaasi, iyadoo diplomaasiyiinta lagu amray inaysan fasax la’aan u safri Karin in ka badan 40-KM ee duleedka caasimadda dalkaasi ee Addis Abeba.
Wakaalladda Wararka Ethiopia ee ENA ayaa sheegtay in Bandowga loo soo rogay si loo sugo Ammaanka Diplomaasiyiinta Shisheeyaha.
Ilaa 500 oo qoF ayaa lagu dilay Dibadbaxyada rabshadaha lahaa ee ka dhacay tan iyo sannadkii hore.
©Radio Dalsan