Ilo dhinaca Ammaanka ayaa sheegay in Labo qof oo isku soo xiray waxyaabaha qarxa ay fuliyeen Falalka Is-miidaaminta ee saakayto ka dhaca magaalladda Mayduguri ee W/bari dalkaasi.
Is-qarxinta Koowaad ayaa waxaa lala beegsaday Xero ay Dad Barakacayaal ku jiraan oo ku taalla Deegaanka Bakasi.
Wax yar kadib, Is-qarxintii Labaad ayaa lala beegsaday goob ay Basaska istaagaan.
Dadka Deegaanka ayaa sheegay inay arkayeen maydad la saarayo Gaadiidka Ambalaasta ee fuliya Adeegyadda Degdegga ah.
Kooxda Boko Haram ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen Is-qarxintaasi.
Dhinaca kale, Dowladda Nigeria waxay sii daayeen 876 oo dhallinyaro, kuwaasi oo lagu tuhunsan yahay inay gacan-saar la leeyihiin Maleeshiyadda Boko Haram.
©Radio Dalsan