Wasaaradda Caafimaadka ee dalkaasi ayaa sheegtay inuu cudduirka Koleeraha dilaacay bilowgii bishan, isla markaana uu haatan cuddurkaasi soo ritay 1,410 Bukaan.
Afhayeenka Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), Taariq Jasarefik ayaa sheegay inuu Cuddurka fara ba’an ku hayo dadka ku nool 10 Gobal oo ka mid ah 23-ka Gobal ee dalka Yemen.
Bukaanadda ugu badan waxay ku nool yihiin magaallooyinka Sanca, Cadan, Tacis, Xudeyda iyo Laxaj.
Dhinaca kale, Hay’adda QM ee Daryeelka Carruurta ee UNICEF ayaa sheegtay in 7.4 million oo Carruur u baahan yihiin Taageero Daaweyn, halka ku-dhawaad 1.5 million oo carruur ah ay fuuq baxeen, halka 370,000 khatar ugu jiraan nafaqo la’aan aad u daran.
©Radio Dalsan