Gaari Booyadle Shidaal oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa lagu qarxiyey ka soo hojeedka Maxkamad ku taalla Degmadda Azaz, waxaana ku geeriyootay ugu yaraan 43-qof, halka Tobaneeyo kalena ku dhaawacmeen.
Waa weerarkii ugu dambeeyey ee qaraxyo xiriir ah oo ka dhacay Degmadda Azaz oo 16-KM u jirta Degmadda Kilis ee xuduudka dalka Turkiga, waxaana Degmadaasi gacanta ku haya Dagaalamayaasha Kooxda Xoreynta Syria ee FSA oo ay Turkiga taageeraan.
Ma jirto koox sheegatay qaraxaasi, balse Kooxda Daacish ayaa horey qaraxyo uga geysatay Degmadaasi.
Dhinaca kale, Dagaalladda ka socda dalka Syria waxaa lagu dilay in ka badan 310-kun oo qof, tan iyo markii ay colaadaasi bilowdeen bishii Maarso ee sannadkii 2011-kii.
©Radio Dalsan