90-askari oo British ah ayaa loo daad-gureeyey dalkaasi, taasi oo qeyb ka ah Hawlgal cusub oo lagu joojinayo Tahriibayaasha Afrikaanka ee ku sii qulqulayo Qaaradda Afrika.
Ilo dhinaca Milliteriga ayaa sheegay inay Ciiddankaasi qeyb ka qaadan doonaan sidii looga hortegi lahaa Kooxaha loogu yeero Argagixisadda, si aysan u gaarin dalka Britain.
Ciiddankaasi waxay ku biireen Ciiddanka Deegaanka ee ka hawgala dhulka Hawdka, waana markii ugu horreysay ee Ciiddanka British-ka hawlgal loogu diro Dalkaasi oo ku yaalla Galbeedka Qaaradda Afrika.
Dhinaca kale, Xoghayaha Difaaca ee dalka Britain, Misheel Falloon ayaa sheegay in Ciiddanka loo diray dalka Siera Leone tusaale u tahay sida ay Britain ugu tallaabsanayso in laga hortago cabsida Caalamiga ee khatarta gelin kara Britain.
Saddex duleel oo labo, Ciiddanka Tababarka Britain ee Caalamka ayaa haatan ku sugan Qaaradda Afrika, iyadoo boqolaal Askari haatan ka hawlgalaan dalalka Somalia, Koonfurta Sudan iyo Nigeria.
©Radio Dalsan