TPLF oo baaq u dirtay shacabka Tigray

Jabhadda TPLF ayaa ugu baaqday qof kasta oo ka tirsan bulshada Tigre inay kusoo biiraan dagaalka ka dhanka ah ciidamada Itoobiya iyo kuwa Eritrea xilli uu dagaal ka socdo deeganno dhowr ah.

Bayaan laga akhriyay teleefishinka ay maamulaan jabhadda ayaa lagu sheegay in ‘ciidamada Itoobiya iyo kuwa Eritrea ay afarta jiho ka wadaan weerraro xooggan oo lagu xasuuqato shacabka Tigray’.

Qaramada Midoobey waxay sheegtay in haatan 5.4 malyan oo qof oo ku nool Tigray ay u baahan yihiin cunto xilli dagaalka uu sababay inay hakad galaan adeegyadii aasaasiga ahaa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor