Waxaa Goordhow Xarunta Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho ka bilaabatay Munaasabadda dhaarinta Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa qaatay shahaadada Xildhibaanimo.
In ka badan 200 oo Xildhibaan oo qaatay shahaadada ayaa tegay Afisyooni ee xeyndaabka Xalane, kuwaasi oo Maanta oo khamiis ah si rasmi ah loogu dhaarinayo xasaanada Xildhibaanimo.
Munaasabadda dhaarinta Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka 11-aad ayaa waxaa goobjoog ka ah oo ka qeyb galaya Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen, Wasiiro iyo qaar kamid ah Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya
Xildhibaanada labada Aqal ee kasoo jeeda dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaan weli qaadan shahaadada Xildhibaanimo ee Baarlamaanka, kuwaasi oo lagu wado inay yimaadan Muqdisho, maadaama khilaafkii ka dhashay hakinta kuraasta la xaliyey.