Yaasiin Fareey oo Maanta qaatay shahaadada Xildhibaano ee Guddiga FEIT

Ku simaha Taliyaha KMG ah ee Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud oo loo yaqaano Yaasiin Fareey ayaa Maanta qaatay shahaadada Xildhibaanimo ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer Federaal Muuse Geelle Yuusuf ayaa shahaadada rasmiga ah ee Xildhibaanimo siiyay Ku simaha Taliyaha KMG ah ee NISA Yaasiin Fareey, kaasi oo kamid ah Kutlada NISA ee horay uga baaqsaday inay qaataan shahaadada.

Sidoo kale Guddiga doorashooyinka ayaa isla Maanta shahaadooyin Xildhibaanimo siiyay Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad, iyagoona Guddiga weli Xaruntooda ka wada shahaado bixinta Xildhibaanada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale Munaasabadda dhaarinta Xildhibaanada cusub ee qaatay shahaadada Xildhibaanimo ayaa haatan ka socota Xarunta Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho, waxaana Munaasabadda ka qeyb galaya Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor