Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya xilgaarsiinta Cabdullaahi Maxamad Nuur ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Sacuudi Carabiya Amiir Abdulaziz bin Saud bin Nayef
Kulanka dhexmaray Wasiir Cabdullaahi iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa waxaa looga wada hadlay Arrimaha la xariira iskaashiga amniga, la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada.
Waxaa kaloo kulanka Wasiirada Amniga iyo Arrimaha gudaha Sauddiga iyo Soomaaliya looga arrinsaday sidii loo xaajin lahaa xiriirka wanaagsan ee u dhexeeya labada dal, isla markaana ku salaysan dhinacyo kala duwan oo Iskaashi ah.
Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya xilgaarsiinta Cabdullaahi Maxamad Nuur oo ku sugan Sacuudiga ayaa Casuumaad rasmi ah ka helay Wasiirka Arrimaha Gudaha Sacuudi Carabiya Amiir Abdulaziz bin Saud bin Nayef.