Ugu yaraan 16 qof ayaa la dilay, 14 kalena waa lagu dhaawacay weerar ka dhacay Degmadda Kanoma ee Gobalka Zamfara ee W/galbeed ee dalkaasi.
Afhayenka Guddoomiyaha Gobalkaasi, Yuusuf Idris ayaa sheegay in ay dabley hubeysan geysteen weerarkaasi, iyadoo dadka la dhawaacay lagu daaweynayo Xarunta Daaweynta Federalka ee Deegaankaasi.
Mar sii horreysay, Guddoomiyaha Degmadda Kanoma, Yaxya Maxamed waxa uu sheegay inay koox burcad hubeysan soo weerareen Deegaanka, iyagoo si aan kala sooc lahayn u furay rasaasta qy 16-ka qof ku geeriyootay, 14-kalena ku dhaawacmeen.
Gobalka Zamafara waxa uu ka mid yahay Goballadda ku yaalla Waqooyiga Nigeria oo ay ka dhaceen tirada ugu sarreysa ee weeraradda ay waxyeelladda ugu badan ka soo gaaraan haweenka iyo carruurta.