Dab Khasaaro geystay oo ka kacay ku Guri ku yaalla Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dab xoogan oo xalay ka kacay Guri ku yaalla Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir,kaasi oo geystay Khasaaro hantiyadeed.

Dabkan ayaa waxaa uu ka dhacay Guri ku yaalla Xaafada Ciise Cabdi ee Degmada Dayniile,isla markaana waxaa uu kacay xalay fiiqkii,waxaana uu socday saacaddo badan.

Qof ku sugan xaafada Ciise Cabdi ayaa sheegay in dabka uu gebi ahaanba Baabi’iyay guriga uu ka kacay,isla markaana waxaa uu geystay Khasaaro hantiyadeed.

Sidoo kale waxaa halkaasi gaaray gaadiidka gurmadka deg deg ah ee dab demiska ah oo ku guuleystay markii dambe inay demiyaan dabkaas socday in ka badan 6 saacadood,waxaana isla goobta tegay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Degmada Dayniile oo ka qeyb qaatay deminta dabka.

Dabkii xalay ka kacay Guriguu ku yaallay Xaafada Ciise Cabdi ee Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir waxaa uu ka dhashay Koronto,mana jirto wax khasaaro nafeed ah uu geystay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media