Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka u ambaxay Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya.
Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Barre ayaa ku aadan arrimo dhowr ah oo quseeya xiriirka labada dal.
RW Xamse Barre oo booqasho Rasmi ah ay maanta uga billaabnayso Kenya ayaa ujeedkiisa ugu weyni waxaa uu yahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada Dal.