Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Ibraamin Aadan Cali Najax iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa kormeer ku tegay deegaano dhawaan Ciidanka Danab ay kala wareegeen Al-shabaab.
Xildhibaano Siidow oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ,Wasiirka amniga Koonfur Galbeed,iyo xubno kale oo ka socday Maamulka Gobolka Shabeellaha ayaa ku wehlinayay kormeerka Guddoomiye Najax,isla markaana waxaa ay tageen deegaanka Bariire oo ah deegaan Istiraatiiji ah,iyagoona ku gaaray safar dhanka dhulka ah.
Guddoomiye Ibraamin Aadan Cali Najax ayaa u mahad celiyay Ciidanka Xoogga dalka ee ku sugan deegaanka,isla markaana waxaa uu ku dhiirageliyay inay sidii wadaan howlgalada ka dhan ah Al-shabaab ee ka socda deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.
Sidoo kale Wafdiga ayaa ayaa u kuurgalay xaalada ka jira deegaanka Bariire,iyagoo indha indhayn ku sameeyay xaalada Caafimaad ee shacabka halkaas ku dhaqan.
Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Ibraamin Aadan Cali Najax ayaa ka war bixiyay Socdaalkiisa waxaa uu sheegay in Deegaanka Bariire haatan ay ka jirto xasilooni amni ah oo la isku haleyn karo lkn ay jiraan Baahiyo Caafimaad iyo mid Nololeyd oo ay qabaan Dadka Deegaankaasi, isagoo sheegay in haatan ay wadaan Qorshe si deg deg ah Dad deegaankaasi loogu gaarsiin doono Gargaar kala duwan.
Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa deegaanka Bariire dagaal uga saaray dagaalamayaasha Al-shabaab oo halkaasi oo in muddo ah gacanta ku haayay,hayeeshee mararka qaarkood ayaa weeraro ay kusoo qaadaan.