Sida laga warqabo Doorashadii Xilliga Dhexe ee Maraykanka waxaa guul weyn  gaaray Xisbiga Democratic oo awood badan ku yeelan doona Kongareeska dalkaasi.
Murashixiinta Muslimiinta Maraykanka ayaa guul ka gaaray Tartankii Xildhihaanimo ee Kongareeska, iyadoo 2 Murashax oo gabdho ku guuleysteen inay ka mid noqdaan Aqalka Kongareeeska.
Labada gabdhood oo asal ahaan ka soo kala jeeda Somalia iyo Falastiin ayaa lagu kala magacaabaa Ilhan Omar oo laga soo doortay Minnesota iyo Rashida Taliba oo laga soo doortay Gobalka Detriot.
Murashaxa kale ee Muslimka ah ee Andre Carison oo Maraykan Afrikaan ah ayaa dib loogu doortay Kursigiisa Aqalka Kongareeska ee Gobalka Indiana.
Mudanihii ugu horreeyey ee Muslimka ah ee loo doortay waxa uu ahaa Keith Ellison, kaasi oo kursigii uu banneeyey ay ku guuleysatay Ilhan Omar.
Tirada Xildhibaanada Muslimiinta ee ka tirsan Aqalka Kongareeska Maraykanka waxay haatan gaareen 3 xubnood, kuwaasi oo la filayo inay difaacaan Xuquuqda Muslimiinta ee ku nool Caalamka.
Tacadiyada Islaam nacaybka ee gudaha Maraykanka waxay 6-dii bilood ee la soo dhaafay korortay 30%, sida lagu sheegay Warbixin ka soo baxday Golaha Muslimiinta Maraykanka.
WQ: Ustaad Nuradin