Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in AMISOM uu kala hadlay dilkii Ciidamadooda ay u geysteen dadka Shacabka ah oo gaarayay 4 Ruux.
Waxa uu sheegay duqa Muqdisho in uu aad uga xun yahay falka ay dadka rayidka ah ku dileen,hayeeshee uu kala hadlay taliyaha Ciidamada AMISOM,isla markaana uu ka dalbaday inay jawaan ka bixiyaan dilkaas.
Taliyaha AMISOM ayaan kala hadlay dhacdadii shalay ciidamo AMISOM ay ku dileen dad rayid ah degmada Heliwaa, una sheegay inaan la aqbali karin shacab in wax loo geysto. Waxaana ka dalbaday inuu baaris dhab ah ka sameeyo, waxuuna ii ballanqaaday in AMISOM ay qoysaskii dhibaatadu soo gaartay ay la kulmayaan, tallaabo adagna laga qaadi doono cidii falkaas ku kacday.
Sidoo kale Duqa Muqdisho ayaa hadalkiisa intaasi raaciyay in Taliyaha AMISOM u balan qaaday in ay la xiriiriyaan ehelada dadkii ay dileen Ciidamadooda.
Hadalka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ku soo aadaya xilli Maanta dad dhigayay banaanbax oo ka careysan dilkaas ay Ciidamada AMISOM rasaas ku fureen.
Dhageyso Codka guddoomiyaha Gobolka Banaadir.