Tirada dadka uu ku dhacayo Cudurka COVID-19 ee gudaha dalka oo korortay

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa shaacisay dad hor leh oo laga helay Cudurka halista ah ee COVID-19, kadib markii baaritaano kala duwan lagu sameeyay dadkaas, lana ogaaday inay qabaan Cudurka.

Warbixinta maalinlaha ah oo ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa lagu sheegay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay Cudurka laga baaray 1,171 qof, isla markaana laga helay 97 oo kamid ah dadkii la baaray.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in Somaliland laga diiwaan-geliyay 40 qof, Puntland 23 ruux, Gobolka Banaadir 2 ruux, Jubbaland, 11 ruux iyo Galmudug oo 3 ruux ah, waxaana dadkaas Rag ka ah 40, halka 57 kalena ay yihiin Dumar.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 17,399, waxaa bogsootay 8,460 Ruux. guud ahaan 969 ruux oo kale ayaa u geeriyootay cudurka.

Cudurka halista ah ee COVID-19 ayaa u muuqda mid haatan kusii faafaya gudaha dalka Soomaaliya, isla markaana dad badan uu ku dhacay, halka kuwo kalena ay ugu geeriyoodeen Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka.

Wasiirka Caafimaadka Fowziya Abiikar Nuur ayaa bulshada ka codsatay inay qaataan talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor