Alshabaab oo lagala wareegay Degmadda Aadan Yabaal iyo Ceelal la qarxiyey

Ciiddanka Dowladda Federalka iyo kuwa AMISOM ayaa la sheegay inay Alshabaab kala wareegeen Degmadda Aadan Yabaal ee Gobalka Sh/dhexe.

Ilo-wareedyo ku sugan Aadan Yabaal ayaa u sheegay Radio Dalsan inay Dagaalamayaasha Alshabaab gelinkii dambe ee shalay isaga baxeen Degmadaasi oo ay haysteen dhowr sanno.

Bixitaankooda ayaa lagu micneeyey, kadib, markii ay Ciiddanka Dowladda iyo kuwa AMISOM gaareen duleedka Degmadaasi, iyadoo haatan la sheegayo inay Ciiddanka Huwanta ku sugan yihiin gudaha Aadan Yabaal.

Dhinaca kale, Dadka Deegaanka ayaa sheegay in la qarxiyey dhowr matoor ceelal-biyood oo ku yaalla gudaha Aadan Yabaal.

Ma cadda sababaha rasmiga ee loo qarxiyey Ceelashaasi iyo cidda ka dambeysay, iyadoo Ceelashaasi ka cabi jireen dadka iyo duunyada ku nool Aadan Yabaal.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor