Dad lagu tuhmayo falkii lagu dilay Carruur Walaalo ah oo gacanta lagu dhigay

Qoraal ay soo saareen taliska booliska  ayaa lagu sheegay in falkii lagu gowracay labo carruur ah oo walaalo ah loo soo qabtay dad lagu tuhmayo, kuwaasi oo ay ku socoto baaritaanno dheeraad ah, isla markaana cadaaladda la horgeyn doono haddii ay ku cadaato falkaasi.

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay Taliska  Booliska

Shalay 07th-Apr-2021, ayaa Ciidanka Boliiska Dowlad Goboleedka Koofur

Galbeed, lagu soo wargeliyay in la waayay 2 caruur ah oo deganaa

Xaafada Cadaada ee Magaalada Baydhabo, caruurtaas oo lagu kala

magacaabi jiray :-

1- Cabdimuni Sheikh Aweys Cabdulahi &

2- Aamina Sheik Aweys Cabdulahi.

Warbixinta oo la soo gaarsiiyay Boliiska ayaa sababtay in la galiyo

diiwaanka, baafinta Boliiska iyo idaacadaha Magaalada Baydhabo.

Saaka 08th-Apr-2021, ayaa markale Boliisku ka warheleen in meydka

caruurta oo gowracan la soo dhigay Xaafada Suuqa-Xoolaha ee

Magaalada Baydhaba.

Haddaba, waxaa socota baaris qoto-dheer oo ay wadaan Ciidanka

Boliisku, iyadoo dad lagu tuhmay loosoo xiray arrintaan, walow ay

baaristu weli socoto, Cidii ay ku cadaatana Garsoorka awooda u leh

lawaafajin doono.

Waxaan uga tacsiyeeyneynaa, Xildhibaan hore Aweys Sheik Cabdulahi

falkaas foosha xun iyo geerida ku timid caruurtiisa, waxaana ilaahay uga

rajeynaynaa inuu qalbiga u qaboojiyo, Samir iyo iiman ka siiyo, baddal

qeyr qabana siiyo.

Dhamaad.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor