Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in Cudurka halista ah ee Coronavirus ay ka bogsadeen 31 qof oo kamid ahaa dadkii uu horey ugu dhacay, iyagoo haatan ay wanaagsan tahay xaaladooda Caafimaad.
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay Dalka laga Soomaaliya laga diiwaan geliyay 18 xaalado cusub oo COVID-19 ah.
11 kamid ah xaaladaha cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, Somaliland 6 Ruux iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya oo hal qof ah, waxaana 16 kamid ah Bukaannada cusub waa rag, halka 2 qof kalena ay yihiin Dumar.
Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay waxey noqdeen 2,878 Ruux, waxaa ka bogsooday 868 ruux, waxaana guud ahaan dalka ugu geeriyooday 90.