Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa si Deg-deg ah u kala dhex-galey Maleeshiyaad isku hor fadhiya Deegaanka Xananbuure oo galab-dhicii galabta halkaas ay ku dhexmartay Israsaaseyn muddo daqiiqado ah socotay.
Israsaaseynta Maleeshiyaadka hubeysan ayaa kala dhalatay muran ku aadan barkado laga qodayo agagaarka Deegaankan Xananbuure ee Gobolka Galgaduud, sida ay sheegeen dadka deegaanka.
Ciidanka NISA ee howlgala deegaanada Galmudug oo Saldhig ku leh meel ku dhow Xananbuure ayaa ku guuleystay inay kala dhex-galaan Maleeshiyaadka, iyagoona joojiyay rasaasta.
Wararkii ugu dambeeyay ee Caawa aan ka heleyno deegaanka ayaa sheegaya in Maleeshiyo beeleedka ay halkaas ka wadaan hub uruursi badan, iyagoo dhinacba lasoo soo sheegayo inuu aaga geeyay gaadiid dagaal iyo hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana socda dadaalo lagu joojinayo Colaadda.