Taliyihii Sirdoonka ee Milliteriga Yemen oo geeriyooday

Sarreeye Guuto Salaax Tamaah ayaa la sheegay inuu maanta u geeriyooday dhaawacyadii ka soo gaaray Diyaaradii Daroonka ee ay Maleeshiyadda Xuutiyiinta dhawaan ku qarxiyeen Munaasbaad Milliteri oo ka socotay Saldhigga Ciiddanka Cirka ee Al-canad ee Koonfurta Yemen.

Jeneral Saalax  Tamaah oo 64-jir ahaa waxa soo gaaray dhaawac aad u culus, waxaana isaga iyo Taliyaha Guud ee Milliteriga Yemen lagu daaweyney Isbitaal ku yaalla magaallaadda Cadan oo Caasimad KMG u ah Dowladda Madaxweyne C/rabbi Mansuur Haadi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor