Madaxweyne Jacob Zuma oo Madaxda Afrikaanka ugu baaqay xalka Somalia

Madaxweynaha dalka Koonfurta Afrika, Jacob Zuma ayaa hadalkaasi ka jeediyey Munaasabad lagu xusayey Maalinta Afrika Day, oo shalay lagu qabtay Deegaanka Mamelodi pp ka tirsan caasimadda dalkaasi ee Pretoria.

Waxa uu Hoggaamiyayaasha Afrika ugu baaqay inay ka shaqeeyaan sidii loo mideyn lahaa Qaaradda Afrika, una noqon lahayd Qaaraddii Rajadda Dhallinyaradda iyo Jiilka Mustaqbalka.
Madaxweynaha dalka Koonfurta Afrika, Jacob Zuma waxa kaloo uu ka hadlay Xasaradaha ka aloosan dalal ka tirsan Afrika, wuxuuna Madaxda Dowladaha Afrika ku booriyey inay si wadajir ah ugu hawlgalaan sidii xal loogu heli lahaa Xaalladda dalka Somalia iyo dalalka Kongadda Dimuqraadiga, Mali, South Sudan iyo Afrikadda Dhexe.

Waxa uu ammaanay sida ay Dolwadaha Afrika iskooda uga shaqeynayaan guusha laga gaaray Nabad-dhalinta iyo Nabad-ilaalinta ka socota qeybo ka mid ah Qaaradda Afrika.

Warqabadka Dalsan Radio

SA 4
SA 00000SA 00000 SA 1 SA 4

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor