Maamulka Hir-Shabeelle ayaa xilkii ka qaaday taliyihii Ciidanka Nabadsugida Gobolka Hiiraan,iyada oo sidoo kale la magacaabay Taliyaha Ciidanka NISA ee Gobolka Hiiraan Iyo kan Baladweyne.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Taliyaha Mabadsugida Maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxaa xilkii looga qaaday taliyihii Ciidanka Nabadsugida Gobolka Hiiraan Dhame Cabduqaadir Maxamed Abuukar (Dhagaweyne),iyada oo xilkaas loo magacaabay Dhame Cabdi Maxamed Cali.
Sidoo kale waxaa wareegtada lagu Magacaabay taliyaha Ciidamada Nabadsugida Magalada Baladweyne kaas oo loo magacaabay Colaad Cabdullaahi Cismaan.
Xilka qaadistaas iyo Magacaabistaan ayaa ku soo aadeysa xilli Maanta xilkii laga qaadaybguddoomiyihii Maamulka Gobolka Hiiraan,isla markaana midkale la magacaabay.