Magaalada Muqdisho ayaa xalay waxaa kulan looga hadlaayay amniga Caasimadda ku yeeshay Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir iyo Guddoomiye ku-xigeenada amniga ee Degmooyinka Gobolka.
Kulanka ayaa waxaa shir Guddoominayay Maxamed Cabdullaahi Axmed Tuulax, waxaana ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenada amniga Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha laamaha amniga dowladda.
Inta uu kulanka socday ayaa waxaa looga hadlay xaadalihii ugu dambeeyay ee amniga Magaalada Muqdisho iyo sidii loo dardargelin lahaa hawlaha Amniga iyo Siyaasadda ee ka socda degmooyinka Gobolka.
Masโuuliyiinta ayaa ka wada hadlay u diyaarar garoowga Gurmadka degdega ee Roobabka mahiigaanka ee kusoo wajahan deegaano ka tirsan Soomaliya, iyadoona heegan la geliyay Saldhigyada Booliska ee ku yaalla Gobolka Banaadir.
Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda Maxamed Cabdullaahi Axmed Tuulax oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in amniga Caasimadda haatan uu yahay mid wanaagsan, isla makaana ay yaraadeen weeraradii iyo dilalkii ka dhici jiray Magaalada.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay Tuulax in warbixino uu ka dhageystay laamaha amniga dowladda loogu sheegay in bilihii la soo dhaafay amniga Caasimadda laga gaaray horumar.
Ugu dambeyntii Maxamed Cabdullaahi Axmed Tuulax ayaa u mahadceliyay laamaha amniga dowladda Soomaaliya, isagoona kula dardaarmay inay sii xoojiyan sugida amniga Magaalada Muqdisho.