Warar lagu kalsoonaan karo oo aan helnay ayaa waxaa ay sheegayaan in xilka qaadis lagu sameeyay Taliyihii Nabadsugida Gobolka Banaadir Ibraahim Macalin Cabdullaahi, kaasi oo xilka haayay inka badan hal sano.
Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA Fahad Yaasiin ayaa waxaa la sheegay inuu xilkii ka qaaday Taliye Macalin Ibraahim oo ahaa Taliyaha Nabadsugida Gobolka, iyadoona mid Cusub loo Magacaabay.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in Fahad Yaasiin uu Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir u Magacaabay Sarkaal Magaciisa lagu sheegay Ciise Maxamed Ciise, kaasi oo bedelaya Macalin Ibraahim.