Jeneral Osman Nuur Subagleh oo u dhashay dalka Jabuuti ayaa waxa uu shalay si rasmi ahaan xilka Taliyaha guud ee Hawlgalka AMISOM kala wareegay Taliyihii hore ee AMISOM, Jeneral Jonathan Rono.
Taliyaha cusub ee AMISOM waxa kaloo uu la kulmau Wakiilka Gaarka ee Ururka Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, ahna Madaxa Hawlgalka AMISOM, Ambassador Francisco Caetano Madiera, wuxuuna sheegay in Imaanshihiisa ku soo beegantay iyadoo uu Hawlgalka AMISOM ku jiro Xaallad Khatar ah.
Ambassador Madeira ayaa isagana sheegay inay AMISOM hor yaallaan Hawlgalo Adag, wuxuuna hoosta ka xariiqay in Muhiimadda ugu weyn ee xoogga la saarayo Doorashadda soo socota ee Somalia.
Waxa uu ku booriyey Taliyaha cusub ee Hawlgalka AMISOM in muhiimadda la saaro sidii Deegaan Ammaan ah loogu diyaarin lahaa Doorashooyinka soo socda.
Dhinaca kale, Taliyaha cusub ee Hawlgalka AMISOM, Jeneral Osman Noor Subagleh waa Sarkaal khibrad leh oo horey uga soo shaqeeyey Hawlgalka AMISOM, isagoo mar noqday Taliyaha Ciiddanka AMISOM muddadii u dhexeysay sannadihii 2012-kii ilaa 2013-kii.
Ka hor inta aan loo magacaabin Taliyaha Ciiddanka AMISOM, waxa uu Jeneral Subagle si joogta ah uga qeyb geli jitet Shirarka Guddiga Isku-dhafka ee Hawlgalladda Milliteri (The Joint Millitary Operations Coordination Committee (MOCC) ee AMISOM, isagoo matalayey Dalka Jabuuti.
©Radio Dalsan