Madaxa Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika, Ismail Chergui ayaa hadalkaasi ku sheegay Shir Jaraa’id oo uu shalay ku qabtay Caasimadda dalka Ruwanda ee Kigali, wax yar kadib, markii Kigali lagu soo gebagebeeyey Shir Madaxeedkii 27-aad ee Hoggaamiyayaasha 54 Waddan ee Qaaradda Afrika.
Waxa uu tilmaamay in la doonayo inay Ciiddanka Somalia la qalabayn doono, si ay ula wareegaan Ammaanka dalka, ka hor intaan Ciiddanka AMISOM laga saarin Somalia sannadka 2018-ka.
Waxa kale oo uu tilmaamay in Ururka Midowga Afrika ka taageeri doonaan Somalia Doorashooyinka Madaxtinimadda iyo tan Barlamaanka ee la qaban doono dabayaaqadda bishan.
“Waxaan u baahanahay Somalia oo Nabad buuxda hesha, ials markaana la xushmeeyo Xuquuqda Aadanaha ee dhamaan Muwaadiniinta Somalia” ayuu yiri Madaxa Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika, Ismail Chergui
Dhinaca kale, waxa uu tilmaamay inay Hoggaamiyayaasha Dowladaha Afrika diyaariyeen Maalgelin Khaas ah, oo lagu taageerayo Hawlgalladda La-dagaalanka Argagixisadda ee Qaaradda Afrika.
©Radio Dalsan