Iyadoo ay Labada Madaxweyne ee Somalia iyo Masar, Xasan Sheekh Maxamuud iyo C/fataax Alsiisii doraad kulan ku yeeshaan Caasimadda dalka Ruwanda ee Kigali ayaa waxaa haatan la qorsheynayaa inay isku arkaan Shir Madaxeedka Dowladaha Carabta oo dabayaaqadda bishan ka furmi doona caasimadda dalka Mauritania ee Nouakchott.
Kulankaasi ayaa noqon doona kii Labaad ee ay Labada Madaxweyne isku arkaan, iyadoo ay horey ugu kulmeen Kulan Madaxeedka Ururka Midowga Afrika ee shalay lagu soo gebagebeeyey Caasimadda dalka Ruwanda ee Kigali.
Danjiraha Somalia u fadhiya dalka Masar, C/qani Maxamed Wacays oo Wareys siiyey Wargeyska Maalinta ee Yoom Sabca ee ka soo baxa caasimadda dalka Masar ee Qaahira ayaa xaqiijiyey Kulanka Labada Madaxweyne dabayaaqadda bishan ku yeelanayaan caasimadda dalka Mauritania ee Nuwakshoot.
Dhinaca kale, Danjiraha waaxa uu tilmaamay in Labada Madaxzweyne Kulan 3-aad ku yeelan doonaan Caasimadda dalka Masar ee Qaahira, marka laga gudbo Doorashooyinka Madaxtinimadda iyo Barlamaanka ee ka dhici doonta Somalia.
©Radio Dalsan