Taliyaha Ciidanka dhulka ee Xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi oo ay wehlinayeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa booqasho ku tegay furimaha hore ee dagaalka ee deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Taliye Biixi iyo Saraakiisha la socday ayaa kormeerka ku gaaray Xeryaha iyo furimaha hore ee dagaalka Shabeellaha Dhexe ee deegaanada geed Timir, Xaaji Cali, degmooyinka Warsheekh, Cadale iyo Raage-Ceelle oo ay ku sugan yihiin Ciidanka Xoogga dalka.
Taliyaha Ciidanka dhulka Biixi ayaa Ciidamada uu kula kulmay deegaanada faray inay sii laba jibaaran howlgalada lagula dagaalamayo Al-shabaab, isla markaana ay dalka difaacan, kana shaqeeyaan midnimada.
Ujeedka komeerka Taliyaha dhulka iyo Saraakiisha la socday ayaa waxaa lagu sheegay inuu ahaa mid ay ugu kuur galayeen xaaladda amni ee degmooyinka Warsheekh, Cadale, Raage-Ceelle iyo deegaano kale ee Shabeellaha Dhexe.
Ammaanka ka jira degmooyinka dhulka xeebta ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa uu yahay mid wanaagsan, waxaana halkaas ku sugan Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan qeybta guutada 4-aad ee uu hoggaamiyo korneyl Saney Cabdulle.