Wafdi ka socda Guddiga Doorashooyinka heer Federaal oo gaaray Magaalada Jowhar

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga doorashooyinka heer Federaal Mowliid Mataan, ayaa maanta gaaray Magaalada Jowhar ee Caasimadda dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Guddoomiye Mataan iyo wafdigiisa ayaa magaalada Jowhar kulan kula qaatay guddiga maamulka doorashooyinka Hirshabeelle, waxaana sidoo kale, kulanka goob joog ka ahaa Agaasimaha guud ee madaxtooyada Hirshabeelle.

Xoghayaha guddiga doorashooyinka Hirshabeelle Maxamed Xuseen Xeyte ayaa soo dhoweyn ka dib, wuxuu warbaahinta u sheegay in Maalmaha soo socda la qabna doono doorashada xubnaha Aqalka sare ku matali doona Dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Ujeedka Guddigan gaaray Magaalada Jowhar ayaa ah dardar-gelinta Arrimaha doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ka dhaceysa magaalada Jowhar.

Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu soo saaro Liiska Musharaxiinta Xildhibaanada Aqalka Sare, waxaana warar la helayo ay sheegayaan in doorashada ay noqon dooto mid kuraasteeda furan yihiin oo Senator loo xirin.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor