Taliyaha Ciidamada Dhulka oo amar siiyay Ciidamada Gor-gor

Taliyaha Ciidanka dhulka Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa gelinkii dambe ee shalay oo sabti aheyd kormeer ku tegay Xarunta Taliska guutada Gor-gor ee xero damaanyo.

Taliye Maxamed Tahliil ayaa Saraakiisha Ciidamada Gor-gor ee xoogga dalka Soomaaliya kuna sugnaa xero damaanyo ka dhageystay warbixinno ku aadan Ciidamada iyo howlgalada ka socda dalka.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka dhulka Xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa Ciidamada Gor-gor ee dowladda ku amray inay u diyaar garoobaan howlaha Qaran ee horyaala iyo shaqooyinka kale.

Ciidamada Xoogga ayaa deegaano kala duwan oo ka tirsan Gobolada dalka ka wada howlgal ka dhan ah dagaalamayaasha Al-shabaab, waxaana Al-shabaab iyo Ciidamada dhexmaray dagaalo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dowladda Turkiga ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ka taageerta tababarada la siiyo Ciidamada Gor-gor, waxaana todobaadyadii ugu dambeeyay dalka soo gaarayay Ciidamo badan oo Gor-gor ah lagu soo tababaray dalka Turkiga.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor