Kadib markii dhawaan Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Nugaal Gaashaanle Sare Mu’min Cabdi Shire iyo ku-xigeenkiisa lagu sameeyay shaqo joojin ayaa waxaa mar kale dib loogu fasaxay inay sii wataan shaqadooda.
Taliyaha Ciidanka Booliska dowlad Goboleedka Puntland S/Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa wareegto kasoo baxaday Xafiiska shaqadooda dib loogu fasaxay Taliyaha Booliska Nugaal, kadib markii xal laga gaaray Khilaafkii u dhexeeyay labada dhinac.
S/Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa ku eedeeyay Gaashaanle Sare Mu’min inuu markii hore sameeyay Amar diido sameeyay iyo xil-gudasho la’aan, isla markaana uu go’aan ku gaaray inuu shaqada ka joojiyo, hayeeshee uu dib ugu fasaxay.
Dhinaca kale Taliye ku-xigeenka Booliska Gobolka Nugaal Gaashaanle Cismaan Maxamuud Buraale (Suleembe) ayaa isna loo ogolaaday inuu sii wato shaqadiisa.