Taliska Mareykanka ee AfRICOM ayaa sheegay in duqeymo ay ka fuliyeen Gobolka Sahbeellaha dhexe ay ku dileen xubno katirsan dagaalamayaasha AL-Sahbaab, waxaana qoraal kasoo baxay Taliska Mareykanka lagu sheegay in laba weerar oo dhacay 14 iyo 17 kii Bishaan ay ka fuliyeen meel u dhaw degmada Cadale.
Mareykanku waxaa ay intaa kud areen in howlgalkaasi uu yimid kadib markii codsi uu kaga yimid dowladda federaalka ayna ku taagerayeeen howgalka ay Ciidanka Soomaaliyeed ay ka wadaan agagaarka Cadale.
Waxaa qoraalka lagu sheegay in weerar 14-kii bishaan ka dhacay meel 176 kilomitir waqooyi bari ka xigta magaalada Muqdisho oo ah agagaarka Cadale lagu dilay 7 ka tirsan Al-Shabaab waa sida ay hadalka u dhigeen.
Sidoo kale weerarka dhacay 17 ka bishaan ayay tilaameen inuu ka dhacay meel 220 kiiloomitir waqooyi bari ka xigta Magaalada Muqdisho oo ah isla agagaarka Cadale, waxaana Qiimeynta hordhaca ah ee taliska lagu sheegay in 8 ka tirsan Al-Shabaab laga dilay duqeyntaasi,taasi oo tirada guud ka dhigay 15 dagaalame.
Dhankooda waxaa ay sheegeen inuusan jirin wax khasaare ah oo kasoo gaaray howgalkaasi, sidoo kalena waxaa ay intaasi ku dareen in qiimaynta hordhaca ah ee ay sameeyeen aysan jirin dad rayid ah oo ku waxyeeloobay duqeymahaasi ay ka fuliyeen Shabeellaha dhexe.