Taliyaha hoggaanka ilaalinta Canshuuraha iyo dhaqaalaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta ka digay in Canshuurta lagu kordhiyo Shacabka Soomaaliyeed.
Shir Jaraa’id ee uu maanta ku qaabtay Ganaraal Cabdullahi Xasan Bariise Taliyaha hoggaanka ilaalinta canshuuraha iyo dhaqaalaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ku saabsanaa digniin uu u diray Ganacsatada Soomaaliyeed oo ah in aysan sara u qaadin maciishada Quutul-daruuriga ah, iyaga oo ka faa’iideeysanaya dadaalka loogu jiro ka hortaga cudurka Corona Virus ee COVID 19.
Sidoo kale Taliyaha Hoggaanka ilaalinta Cashuuraha iyo dhaqaalaha Ciidanka Booliska ayaa sheegay in tallaabo laga qaadi doono qofka qaadan waayo digniinta ay u direen.
Hadalka ka soo baxay Hogaanka ilaalinta cashuuraha iyo dhaqaalaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Ganaraal Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa wax badan u tari doonto Shacabka soomaaliyeed oo ka wal-walsan in lagu qaaliyeeyo maciishada qutul-daruuriga ah.