Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay ka sameeyeen deegannada Awdheegle, Mubarak iyo Daarusalaam ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalka Ciidamada ayaa waxaa la sheegay in lagu dilay Sarkaal la tilmaamay in Al-shabaab uu u qaabilsanaa deegaanada howlgalka laga fuliyay oo Magacaabiisa lagu sheegay Cismaan Gaab .
Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Generaal Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ay howlgalka ciidanka xoogga dalka ka fuliyeen shabeellaha Hoose ku dileen Sarkaalkii Al-shabaab uqabilsanaana deegaanada Awdheegle, Mubarak iyo Daarusalaam.
Ciidmada Xoogga dalka ayaa maalmahan howl-gallo qorsheyn ka waday qeybo badan oo ka tirsan gobollada dalka, waxaana ka mid ah gobolka Shabeellaha Hoose oo ay Ciidamadu kala wareegeen Al-shabaab deegaanno iyo degmooyinka ka tirsan gobolka iyagoo howlgaladaas uu ka dhashay Khasaarooyin kala duwan.