Tahriibayaal Soomaali ah oo ku dhaawacmay Shil gaari oo ka dhacay Masar

Wararka naga soo gaarayo Degmadda Aswaan ee dalka Masar ayaa waxay sheegayaan inay Dhallinyarro Soomaali ah saakayto ku dhaawacmeen shil gaari.

Wargeyska Akhbaaral-yoom ee ka soo baxa magaalladda Qaahira ayaa waxa uu qoray inay Dhallinyaradaasi ay shilka galeen, xilli ay doonayeen inay si sharci-darro ah kaga tahriibaan dalkaasi.

Taliyaha Ammaanka ee Degmadda Aswaan, Jeneral  Maxamed Mustafa ayaa u sheegay Wargeyska inay saddex qof  oo Soomaali ah ku dhaawacmeen shil gaari , lana dhigay Xarunta Nasar Al-noobat.

Waxa uu sheegay inay dadkaasi soo gaareen dhaawacyo  u badan jajabka Lafaha.

Dhinaca kale, Tahriibayaasha ku dhaawacmay shilkaasi maanta ka dhacay dalka Masar ayaa waxaa lagu kala magacaabaa:-

  1. Mowliid Xuseen Afrax oo 30-jir ah
  2. Cabdow Maxamed Mustafa oo 19 jir ah
  3. C/raxmaan Yuusuf oo 25 jir ah.

Dhinaca kale, Tahriibayaal ay tiradooda dhan tahay 136 qof oo ay Soomaali ku jiraan ayaa lagu qabtay Degmasdda Alsaluun ee dalka Masar, iyagoo doonayey inay u sii gudbaan Lama-degaanka dalka Liibiya.

 

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor