Sawirro:-Xildhibaano kala wata laba Ajande oo ku sii qul qulaya Xarunta Golaha Shacabka

Waxaa Maanta lagu wadaa in Xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho uu ka dhaco kulanka Golaha Shacabka Soomaaliya kaas oo ka duwan kulamadii hore maadaama ay ku shirayaan Xildhibaano kala wata laba Ajende oo iska soo horjeeda.

Badi Wadooyinka Muqdisho saakay waa ay xiran yihiin,waxna jira xildhibaanada qaar ee Golaha Shacabka oo markii ugu horeysay ku kala Xarunta si ay kulanka Maanta uga qeyb galaan Maadaama uu yahay mid xasaasi ah.

Xildhibaanada qaarkood oo aan la hadalnay ayaa waxa ay sheegeen in ay weli ku sugan yihiin banaanka xarunta maadaama aan albaabka loo furin,iyaga oo isku soo diyaarinaya in ay ka qeyb galaan Kulanka Golaha Shacabka.

Kulanka Maanta ayaa ah mid ka duwan kulamadii hore,waxana xildhibaannada look ala diray fariimo xambaarsan lama ajende oo kala duwan,xildhibaanadamooshinka ka gudbiyey Gudoomiye Jawaari ayaa lagu wargeliyey in laga doodayo mooshinkii laga keenay gudoomiyaha halka xildhibaanada kulanka ka soo horjeeda iyana lagu wargeliyay in Maanta laga doodayo xiisada Magalada Balad Xaawo.

Waxaa jiray iskudayo xalay lagu doonayey in kulanka Golaha Shacabka ee Maanta in lagu baajiyo balse taasi asyan dhicin,waxana xalay Wakiilka Midowga Afrika ee Arrimaha Soomaaliya uu kulamo gooni gooni ah la qaatay Guoomiye Jawaari iyo Madaxweyne Farmaajo balse aan lagu guuleysan in la joojiyo kulanka Maanta.

Xaalada Muqdisho ayaa Maanta ka duwan sidii hore,waxaana dadka muqdisho ay hadal hayaan waxa ka dhalankara kulanka hadii uu Maanta furmo maadaama Xildhibaano iska soo horjeeda ay shirayaan,waxana sidoo kale jirtay in Hay’addaha amniga ay warka soo saareen sugida amniga inta uu socdo kulanka Baarlamaanka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media