Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u xaqiijiyey Radio Dalsan inay Maamulka Gobalka Banaadir hakiyeen Dibadbax lagu soo dhaweyn lahaa Musharax Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, kaasi oolagu wado inuu berrito ka soo dego Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho.
Maamulka Gobalka Banaadir ayaa sheegay inay Taageerayaasha Musharax Farmaajo sababo dhinaca Ammaanka loogu diiday inay dhigaan Dibadbax ay ku soo dhaweynayaan Musharaxaasi.
Musharax Madaxweyne Farmaajo waxa uu ka mid yahay Musharixiinta ugu cadcad ee u taagan Doorashadda Madaxweynenimadda Somalia ee la qaban doono dabayaaqadda bisha Novemver ee sannadkan.
Musharax Farmaajo oo mar Ra’isul-wasaare ka soo noqday Dowladdii KMG ee Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa lagu xusuustaa inuu aad ugu ololeyn jirey sidii ay Ciiddanka Qaranka u heli lahaayeen Mushaar Joogto ah.
©Radio Dalsan