Taliyihii Nabadsugidda Gobalka Banaadir oo xilka laga qaaday, lana magacaabay Taliye Cusub

Warar lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegayaan in xilka laga qaaday Taliyihii  Nabadsugidda Gobalka Banaadir, C/xakiim Farey.

Taliyaha cusub ee Nabadsugidda Gobalka Banaadir waxaa loo magacaabay Maxamed Xasan Faarax “Faranfar”.

Wax Faahfaahin ah lagama bixinin sababaha keenay Isbedelka lagu sameeyey Hoggaanka Sare ee Nabadsugidda Gobalka Banaadir, mana aha markii ugu horreysay ee isbedel noocaas ah la sameeyo.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor