Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Taabid Cabdi ayaa waxaa uu sheegay in nasiib daro weyn ay in lasoo wariyey dhimashada iyo jirdilka suxufiyiin Soomaaliyeed xili lagu jiro toddobaadkii booggaadinta saxaafadda xorta ah.
Qoraal uu soo saaray Taabid Cabdi Maxamed ayaa waxaa uu uga tacsiyeeyay geerida Wariye Saciid Yuusuf Cali oo habeen hore Nin ku hubeysan Toorey uu ku dilay Muqdisho, isagoo Cambaareeyay tacdigii loo geystay Wariyeyaal ka tirsan warbaahinta Shabeelle,
Sidoo kale Taabid Cabdi ayaa waxaa uu tilmaamay in Saxaafadda xorta ah ee Somalia ay mudo fog bud-dhig u aheyd hannaanka dimuquraadiyadda, cadaaladda, caawimaadda iyo xog-ogaalnimada dalka.
Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Taabid Cabdi.
Waxaan ku jirnaa toddobaadkii booggaadinta iyo qirashada dadaalka saxaafadda xorta ah ee caalamka, waana nasiib daro weyn in lasoo wariyey dhimashada iyo jirdilka suxufiyiin Soomaaliyeed oo u adeegayay dadkeena iyo dalkeena isla usbuucan. Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida wariye Siciid Yuusuf, waxaana si adag u cambaareynayaa tacdigii loo geystay bahda Shabeelle TV.
Saxaafadda xorta ah ee Somalia waxey mudo fog bud-dhig u aheyd hannaanka dimuquraadiyadda, cadaaladda, caawimaadda iyo xog-ogaalnimada dalkeena.
Suxufiga xoriyaddiisa iyo bedqabkiisaba waxay hadba heerkeedu sareeysaa sida ay dowladdiisu u ilaaliso saxaafadda xorta ah, waana tusaale ay ku horumaren dallalka caalamka qaarkod. Saxaafaddu waa ilaalliyayaal Qaran oo aan hubeysneyn ee aan mudnaantooda siino.