Ra’iisul Wasaare Kheyre oo baaq u diray Maamul Goboleedyada

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka  Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay Shirka joogtada ah ee Guddiga Qaran ee xakameynta Cudurka Coronavirus oo kiisas farabadan laga helay gudaha dalka.

Inta uu socday kulanka Guddiga Qaran ee COVID-19 ayaa waxaa looga hadlay sidii looga hortegi lahaa faafitaanka Cudurka oo sameeyn ballaaran yeeshay, isla markaana ay dad badan u geeriyoodeen.

Kulankaas oo ahaa mid Mareegta Internet-ka ah ayaa waxaa ka qeyb ahaa Wasiirrada caafimaadka ee dowlad gobaleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka iyo Mas’uuliyiinta Guddiga Qaran ee Cudurkaas.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa Wasiirada Caafimaadka maamul Goboleedyada kula dardar gelinta wacyi gelinta bulshada iyo ballaarinta awoodda dowlad gobaleedyada ee xakameynta faafitaanka Cudurka COVID-19.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan gelisay ayaa gaartay 835 waxaa bogsootay 75 Ruux. 38 ruux oo kale ayaa u geeriyooday.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media