Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay Kiiskii ugu horreeyay ee Cudurka Coronavirus ee laga helay Magaalada Muqdisho.
Qoraal soo saaray Taabid Cabdi ayuu ku sheegay in arrin walwalkeeda leh ay tahay in qof jooga Soomaaliya la helayo Cudurka Corona, kaasi oo kamid ah dad ka yimid dalka dibadiisa ayna dowladda karantiishay.
Sidoo kale Duqii hore ee Muqdisho ayaa boggaadiyay dadaallada kala duwan oo ay Wasaaradda Caafimaadka ku howlan tahay, howlahaas oo la xiriira ka hortega Cudurka Coronavirus.
Ugu dambeybtii Taabid Cabdi ayaa Bulshada Soomaaliyeed ka Codsaday inay sidooda u qaatan tallooyinka Caafimaad iyo ka hortega Caabuqa oo ay jeedineyso Wasaaradda Caafimaadka.
Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Taabid Cabdi Maxamed.
Salaamaad! Waa arrin walwalkeeda leh in hal qof oo Soomaliya jooga laga helay caabuqa saf-mareenka ah ee Coronavirus. Caafimaad taam ah ayaan u rajeynayaa, Ummaddana Allaha wada amaansado.
Waxaan booggaadinayaa dadaallada kala duwan oo ay Wasaaradda Caafimaadka ku howlan tahay, Alle macigiina ha noqdo. Fadlan kaashada xirfadleyda caafimaadka, qubarada heer qaran iyo heer caalamiba, warbaahinta dalka iyo abwaanada si loo helo wacyigelin waafi ah iyo in si wadajir ah looga hortago cudurkan saf-mareenka ah.
Waxaan ka codsanayaa dhammaan bulshada qeybaheeda kala duwan in ay u qaataan sidooda tallooyinka iyo habraaca ka hortagga caabuqan oo ay Wasaaradda Caafimaadka iyo qubaradeeda usoo gudbiyaan bulshada.