Soomaaliland oo xilkii ka qaaday Masuul deegaanada Maamulkaas geeyey dhigiisa Jubbaland

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ayaa waxa ay sheegayaan in maamulka Soomaaliland uu xilkii ka qaaday Agaasimaha waaxda qorshaynta Wasaaradda Caafimaadka Maamulkaas.

Agaasimaha xilka laga qaaday Dr Maxamed Xaamud Axmed ayaa lagu eedeeyey in uu deegaanada Soomaaliland si qarsoodi ah ku geeyey  Agaasimaha Wasaaradda Caafimaadka dowlad goboleedka Jubbaland.

Wasiirka Wasaaradda Cafimaadka Soomaaliland Dr. Xasan Ismaciil Yuusuf ayaa la sheegay in xuu xilka qaadis ku sameeyey Agaasimaha waaxda qorshaynta Wasaaradda Caafimaadka,waxan weli jirin warka soo baxay dhankiisa Agaasimaha xilka laga qaaday.

Maamulka Soomaaliland ayaa horey waxa uu u xirey dad isugu jira Siyaasiyiin,Wariyeyaal iyo Fanaaniin yimid Magalada Muqdisho,ka dib markii ay dib ugu laabteen Magalada Hargeysa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor