Soomaaliland oo codsi u dirtay Dowladda turkiga

Danjiraha Turkiga u jooga Somalia, Ambassador Maxamed Yilmas waxa uu shalay booqasho aan la sii shaacinin ku tegay magaalladda Hargeysa, isagoo kulan la yeeshay Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Labada Mas’uul waxaa la sheegay inay ka wada hadleen Iskaashiga Turkiga iyo Somaliland ee dhinacyadda Mashaariicda Horumarinta iyo in Ardayda Somaliland helaan Deeqaha W/barasho ee ay Turkiga siiyaan  Ardayda Soomaaliyeed.

Hadal ka soo baxay Madaxtooyadda Somaliland  ayaa lagu sheegay in Kulanka Ambassador Maxamed Yilmas iyo Madaxweynaha Somaliland ay goobjoog ka ahaayeen Wasiiradda Arrimaha Dibedda iyo Caafimaadka ee Maamulkaasi.

Sponsered

Comments
Loading...