WARBIXIN:-Maxaa xiiso gaar ah u yeelaya Doorashada Puntland?

Ma aha doorasho dadweyne, xildhibaanno ayaa codeynaya!

Labaatan cisho kadib, markii doorasho aan aad loogu baratamin ay ka dhacday magaalada Baydhaba, halkaasoo maamulka Koonfur Galbeed uu ku yeeshay madaxwyenihii labaad tan iyo intii la dhisay ayey Garowe ka dhaceysaa doorasho laga yaabo inay loollan adag yeelato. Shantii sanaba mar ayaa la qabtaa doorashada Puntland.

21 Tartame, oo uu ku jiro madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday ayaa u hanqal taagaya inay ku fariistaan kursiga ugu sarreeya maamulkaasi qaangaarka ah ee Puntland.  11 kalena, midkiiba waxa uu doonayaa inuu noqdo madaxweyne ku xigeen. Kuna darso 32 ka tartame midna dumar ma aha!

Doorashada madaxtooyada waxaa ka horreyay tan wakiillada, 66 xildhibaan oo todobaadkii hore la dhaariyay ayaa doortay guddoon. Waxa ayna isu diyaarinayaan inay kala xushaan mas’uuliyiintaas oo dhamaan Isniintii hadal-jeedin sameeyay si ay u bandhigaan qorshahooda waxqabad, laakin shaki kuma jiro in aan lagu kala dooraneyn kaliya sida ay u khudbeeyeen. Waa qasab in olole la sii sameyay, lala shiray cod-bixiyeyaasha, loona gudbiyay dalab faro dufaneysan uu wehliyo.

Awood-qeybsiga aan Dastuuriga ahayn

Puntland oo 20 jir ah, taarikhiyan waxa ay soo yeelatay  Afar madaxweyne oo ka soo kala jeeda Bari, Nugaal iyo Mudug-(2 madaxweyne?). Taasi macnaheeda waxa weeye in haatanna ay waajib  tahay inuu soo baxo murashax u nasab-sheegta  saddexdaasi gobol, maxaa yeelay  guddoonka baarlamaanka ee la doortay Jumcadii waxa uu  ka soo jeedaa  deegaan ka baxsan saddexda gobol, waxa ay taasi yareysay rajadii ay qabeen murashixiinta ay isku heybta yihiin. Inkastoo ay saadaal tahay, hadana waxaa laga yaabaa in Asad Diyaana, Cali Xaaji Warsame, Cabdi-wali Gaas, Cabdi Faarax {JUXA},  Saciid Dani iyo Injineer Maxamuud Khaliif {JABIYE} ay yihiin kuwa hadal-heynta u badan tahay.

Saciid Dani iyo Maxamuud Khaliif ayaa suuragal loo arkaa inay galaan loollaka ugu dambeeya, sababtuna waxa ay tahay labaduba waxa ay ka yimaadaan magaalada Qardho. Maxaa yeelay labadii xilli doorasho ee u dambeysay kuma soo bixin murashax ay isku heyb yihiin.

Dhinacyada kala taageeraya ayaa sidoo kale ka dhigeysa inay isu soo haraan, balse wax walba ayaa la filan karaa.

Eedaha Faragelinta Dowladda federaalka

Maadaama aysan dowladda federaalka ah isku wanaagsaneyn madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday oo gudoomiye u noqday gole iskaashi oo ay leeyihiin dowlad-goboleedyada, kaasoo xiriirka u jaray maamulayaasha Muqdisho, ayey taasi sare u qaadday cabsida uu ka qabay in la farageliyo.  Dowladda federaalka ah laftrikeeda waxaa la aaminsan yahay inay hoos u dhigeyso awoodda maamullada aan adeecsaneyn. Tusaale ahaan doorashadii  19-kii, bishii Disembar ka dhacday Baydhaba, oo sabab u noqotay in uu shaqadiisa ku waayay wakiilkii QM ee Soomaliya, waxaa ku soo baxay murashaxii  ay dooneysay.

Si looga fogaado in madaxda federaalka ay galaangal u yeeshaan, ayey shir ay isugu yimaadeen guddiga Amniga dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxa ay soo saareen 7 qodob oo ku saabsan Amniga xilliga doorashada Madaxweynaha.

War-Saxaafadeed ay Guddiga soo saareen ayaa inta badan looga hadlay dhinaca Amniga,waxana qodobada ku jira ka mid ahaa in Madaxda iyo Shaqaalaha Dowladda Federaalka aysan deegaanada Puntland tegi karin inta lagu guda jiro doorashooyinka. Waxaase sharci-yaqaannada sheegeen inaysan xaq u lahayn maamulayaasha Puntland tallabaadaasi oo dhaqangal noqotay. Si kastase waxa ay bidhaamisay in madaxda talada heysa iyo kuwa aan bahda la ahayn dowladda federaalka ay baqdin ka qabeen in la wiiqo, si aysan u soo bixin. Waxaa kale oo jira warar sheegay inay dowladda riixeyso murashax Maxamud Khaliif {JABIYE} walow wasiirka arrimaha dibadda oo hadlay uu ku gacan seyray inay taageero maaliyadeed murashax gaar ah siinayaan, balse uu carrabka ku dhuftay inay dabiici tahay in qofka uu qof kale taageero.

Kaalinta Baraha Bulshada {SOCIAL MEDIA}

Ka sokow, warbaahinta oo toos isha ugu heysa una soo tabineysa dhacdooyinka ku xeeran doorashada, hadana waxaa door muuqda leh baraha bulshada. Waxa ay u egtahay in lacag badan laga macaashayo marka ay timaado olalaha loo sameynayo murashaxiinta. Waxa kale oo aragtiyo ku wadaagaya dadka daneynaya doorashada, iyadoo mararka qaar la isku weeraryo fikradaha la kala aaminsan yahay.

Dagaalka baraha bulshada loo adeegsado oo Soomaaliya ku soo xoogeystay 23-kii bilood ee u dambeysay ayaa sidoo kale xamaasad u yeelaya, iyadoo dhaqdhaqaaqyadooda iyo aragtidooda ay murashaxiinta ku soo gidnbinayaan ama la wadaagayaan taageerayashooda si ay xayeysiin ugu sii sameeyaan. Balse waxaas oo dhan waxaa asal u ah sida loo xod-xoto xildhibaannada.

Khilaafka dowladda federaalka ah iyo DG

Dowladda federaalka ah oo billowgeediba wajahday dagaal siyaasadeed oo ay la gashay dowlad-goboleedyada oo ay u arkeysay inay daacad u ahaayeen madaxdii ka horreysay ayaa ku guuleysatay inay dhufaanto.

Waxa ay ku guuleysatay inay meesha ka baxaan saddex madaxweyne oo ka kala arriminayay Galmudug, Hirshabelle iyo Koofur Galbeed oo madaxweyneheedi ku qasabanaaday inuusan tartamin, walow aysan wali rabbaayada ka dhigan maamulka Galmudug hadana waxaa lagu eedeeyaa kal qeybsanaanta heysata iyo inay ka qaadiyaan taageeradooda.

Puntland oo ka fac weyn dowladda dhisan ayaa dhegaha ka fureysata dhambaallada ka yimaada Muqdisho. Taasina waxa ay keenta in haba yaraatee aysan wax xiriir ah la lahayn dowladda federaalka ah, taasina waxa ay keeneysa xiisaha ku saabsan haddii cidda lala xiriirinayl ay ku soo bixi kartay doorashada iyo hadii kale, waxaana la leeyahay waa tijaabo kale, oo ay wajahayaan maamulayaasha Muqdisho.

Maxaa dhacaya Natiijada Kadib?

Bacdamaa uu maamulka Puntland 20 kii sano ee la soo dhaafay ku soo caano maalay kala dambeyn iyo wax isu ogolaasho gudahooda ah lama filanayo qalalaase ka dhasho doorashada. Murashaxii laga adkaado waxa ay u badan tahay inuu aqbalo natiijada. Waxaase jawaab u baahan waxa uu ku dambeynayo  xiriirka xun ee ka dhaxeeya dowladda federaalka ah iyo dowlad-goboleedka Puntland.

Puntland Doorasho lagu diirsado iyo madaxweyne daacad ah ayaan u rajeyay.

  1. Abubakar Mohamed Ali,

Dhaliil ama toosin igula soo wadaag [email protected]

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor