War-saxaafadeed ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa waxaa looga hadlay Xaalada Galmudug iyo Shirka dib u heshiisiinta Galmudug ee ka socda Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug.
Beesha Caalamka ayaa soo dhaweysay dadaalada dib u hesiisiinta ah ee ka socda Galmudug,isla markaana bogaadisay furitaanka Shirka dib u heshiisiinta ee ka socda Magaalada Duusamareeb,kuwaasi oo looga tashanayo aayaha Galmudug.
Sidoo kale Shirkaas ayay ku tilmaamtay in Muhiima u leeyahay dhismaha galmudug Cusub oo loo dhan yahay iyo inay dhacdo Doorasho xor iyo xalaal ah oo nabad ay ku jiro.
“Waxaan soo dhoweyneynaa sida ay dhammaan dhinacyada ay quseyso uga go’an tahay dib u heshiisiin loo dhan yahay, waxaana bogaadineynaa dadaalka Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya iyo sidoo kale maamulka Galmudug, odayaasha dhaqanka ee suuragelisay in dadkaas oo dhan la isu keeno” ayaa lagu yiri qoraalka Beesha Caalamka.