Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay guud ahaan dalka laga waayay Kiis la xiriira Cudurka halista ah ee COVID-19.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa lagu sheegay in dhammaan dadkii laga baaray laga waayay Cudurka, waxaana baaritaankaas uu xaqiijinayaa inuu hoos dhac ballaaran uu ku yimid COVID-19 ee dalka ka jira.
Warbixinta Wasaaradda ayaa waxaa lagu shaacisay in guud ahaan dalka Soomaaliya laga helay 3,227 qof, isla markaana waxaa ka bogasatay 1,728 Ruux, waxaana Cudurka dalka ugu geeriyootay 93 qof.
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bulshada ugu baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo.