DAAWO:-Wasiirka Warfaafinta Somalia oo hambalyo ku aadan sanad-guurada 8-aad u diray Radio Dalsan

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa waxaa uu Maamulka sare iyo Shaqaalaha Radio Dalsan u diray Hambayo ku aadan Sanad-guurada 8-aad ee kasoo wareegatay markii la aas-aasay Radio Dalsan.

Waxaa uu sheegay Wasiir Maareeye in Idaacadda Dalsan ay kamid tahay warbaahinta gudaha ee dalka ka haaya shaqo wanaagsan, isla markaana ay si hufan ugu adeegto Bulshada Soomaaliyeed.

“Warbaahinta Dalsan oo leh Xarumo kala duwan iyo qeyb Social Media Maantana u dabaal-dageysa sanad-guurada 8-aad ee kasoo wareegatay markii la aas-aasay 2-April 2012 , waxaan leehay Maamulka iyo Shaqaalaheeda Hambalyo Sanad-guura Wanaagsan” ayuu yiri Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Ugu dambeyn Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa uu Maamulka sare iyo Shaqaalaha Radio Dalsan ee Muqdisho u rajeeyay in sanadkaan kiisa kale hadii Alle yiraahdo ay ku gaaran barwaaqo iyo horumar ku aadan shaqada wanaagsan ay u hayaan Bulshada.

Radio Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta u dabaal-dagaya Sanad-guurada 8-aad ee kasoo wareegatay markii la aas-aasay 2-dii Bishii April sanadkii 2012-kii.

Hoos ka Daawo Muuqaalka Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media