Khalid Abdulkadir oo 19 jir ah ayaa ku sii jiri doono Xabsiga, kadib, markii uu Garsooruhu sheegay inaan weli la haynin caddaymo ku filan Eedeynta loo haystay oO ahaa inuu Bartiisa Twitterka ugu hanjabay Dembi-baarayaasha Boliska Maraykanka ee FBI.
Garyaqaanka Eedeysanaha ayaa codsaday in la sii daayo Khalid Abdulkadir, isagoo sheegay inaan caddaymo buuxa loo haynin inuu isagu qoray Hanjabadaasi.
Sarkaal ka tirsan FBI-da oo lagu magacaabo Vadym Vinetsky ayaa sheegay inay hayaan caddaymo, inkastoo Farriinta laga tirtiray Twitterka.
Sarkaalka waxa uu sheegay inay FBI-da xaqiijiyeen in Twitterka lagu hanjabay uu leedahay Khalid Abdulkadir, isla markaana ay Farriinta saarnayd Sawirkiisa iyo Telefoonkiisa Khaaska.
Digniinta Twitterka ee loogu hanjabay FBI-da ayaa timid dhowr saacadood kadib, markii Khaalid C/qaadir saaxiibkiisa Abdirizak Mohamed Warsame isbuucii hore lagu soo oogay inuu taageerao Kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalalka Iraq iyo Syria.
© Radio Dalsan